Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Magaalada Sanca.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Magaalada Sanca.

December 2, 2017

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay magaalada caasimadda u ah wadanka Yemen, waxaana dagaallamaya Xulufadii kasoo horjeeday isbahaysiga Carabta ee wadankaasi ku duulay.

Saaka aroortii hore ayay si lama filaan ah dagaallo culus uga bilaawdeen qeybo badan oo katirsan magaalada caasimadda ah ee Sancaa, dagaallada oo ah kuwa culus ayay dhinacyadu isku adeegsanayaan gaadiidka gaashaaman iyo madaafiic.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay halka loo yaqaan fagaaraha 70-ka oo ah bartamaha magaalada islamarkaana ay ku yaallaan xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda.

kolonyo uu watay Jeneraal daariq oo katirsan saraakiisha Cali Cabdalla Saalix ayay rasaas huwiyeen xuuthiyiinta waxaana halkaasi ku dhintay sedax askari kadibna waxaa sidaas ku bilaawday dagaal aan waxba layskula kala harin.

Saraakiisha hoggaamiyihii hore ayaa sheegay in ujeedka lagalahaa rasaasta lagu furay kolonyada uu ahaa in lakhaarijiyo jeneraal daariq oo loo badinayo in uu jagada xisbiga mu’tamarka qaranka uu ka dhaxlo cali cabdalla saalix oo ah aabihii.

Maleeshiyaadka xuuthiyiinta ayaa durbadiiba lagala wareegay dhul muhiim ah iyo xarumo caan ah sida wasaaradda maaliyadda,dhismaha bankiga dhexe,xarunta madaxtooyada,xarunta raadiyaha iyo telefeshinka,wasaaradda difaaca iyo xarunta ciidamada amniga qaranka.

Hoggaamiyaha maleeshiyaadka xuutihiyiinta Cabdul Malik alxuuthi ayaa kalimad ka jeediyay telefeshin xuuthiyiintu leeyihiin wuxuuna eedayn kulul ujeediyay wax uu ugu yeeray maleeshiyaad daalaa dhacaya oo doonaya in ay burburiyaan ammaanka iyo muhiimadda wax uu ugu yeeray muqaawamada,wuxuu umuuqday nin ka caraysan dagaalka uga yimid saaxiibkiisi shalay cali cabdalla saalax.

Sidoo kale bayaan kasoo baxay garabka hoggaamiyihii hore ee Yemen ayaa lagu sheegay in wixii saaka dhacay ay ahaayeen qiyaano halis ah, iyadoona jabaqda rasaasta laga maqlayay meelo badan oo katirsan magaalada sancaa.

Warar soo baxay ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanno beeleedyo taageersan Saalix ay xuuthiyiinta ka eryeen gobollo dhowr ah sida Damaar,riimah.Eb iyo Ma’rib, tani waa ifafaale kale oo sii daba dheerayn kara dhibaatada heysata shacabka muslimiinta Yemen oo xuuthiyiinta iyo isbahaysiga dowladaha carabta ay kadeed dhan walba ah u horseedeen.

Wakaaladaha Gargaarka waxa loogu yeero Q.midoobe ayaa sheegaya in malaayiin qof oo Yemeniyiin ah ay xaalada adag ku suganyihiin kadib markii majaaco dadku gacmahooda ku sameysteen ay wadanka ka dilaacday.

War kasoo baxay Q.midoobe waxaa lagu sheegay in loo baahanyahay lacago balaayiin dollar ah si wax loogu qabto dadka dhibaateysan, xaaladda waxaa sii adkeeyay xayiraad dhanka barriga iyo badda ah oo sacuudigu kusoo rogay Yemen waxaana laga cabsi qabaa in dad badan ay gaajo u dhintaan.

Ugu yaraan 70 Qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen dagaallada culus ee ka socda magaalad Sanca.

Cali Cabdalla Saalax oo ka hadlay Telefeshin ku hadla Afka Xisbigiisa ayaa ugu baaqay shacabka Yemen in ay la dagaallamaan Xuuthiyiinta isagoona wax ka bedelay mowqifkiisa siyaasadeed ee dowladaha dariska oo uu ka codsaday in ay furan garoomada diyaaradaha iyo dekadaha waaweyn.

Continue Reading

Previous: Donald Trump Oo Qorsheynaya In Magaalada Qudus U Aqoonsado Caasimada Maamulka Yahuuda.
Next: Midowga Afrika Oo Sheegay in Habacsanaan Ay Soo Wajahday Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya Kuna Baaqa Shir degdeg ah [Warbixin].

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka-Jimco-09-Ramadaan-1444-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka-Jimco-09-Ramadaan-1444-Hijri.

March 31, 2023
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (09).
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (09).

March 31, 2023
Daawo Al-kataa’ib Oo Muuqaal Kasoo Saartay Weerarkii Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Al-kataa’ib Oo Muuqaal Kasoo Saartay Weerarkii Daaru-nicma.

March 31, 2023

Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.

March 29, 2023
Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.

March 26, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.

March 26, 2023
Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.