Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale tiro madaafiic ah ku garaacay Saldhiga Baar-sanguuni ee duleedkaa Magaalada Kismaayo.
Guutada Madaafiicda ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa Lix Madfac ku garaacay Saldhiga kuwaasi oo kuwada dhacay gudaha saldhiga, Waxaana saldhiga Baar-sanguuni dagan Maleeshiyaatka Bangarafta ee sida gaarka Mareykanka u tababartay iyo maleeshiyaatka Maamulka Murtad Axmed Madoobe ee Askarta Kenya ku ilaaliyaan Magaalada Kismaayo.
Madaafiicdan ayaa sababay khasaara kala duwan oo Naf iyo Maal ah oo soo gaartay Maleeshiyaatka Murtadiinta ee ku sugan saldhigaasi.
Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa Xilli Saacadihii lasoo dhaafay duleedka Magaalada Kismaayo Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen weeraro kala duwan oo lagu dilay askar isugu jirta Bangarafta iyo kuwa Jubbo land.
Calamada.com