Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Rajooyinka Ehelada Maxaabiista Ku Jira Gacanta Xarakada Al-shabaab Oo Baaba’day.
  • Allposts
  • Warar

Rajooyinka Ehelada Maxaabiista Ku Jira Gacanta Xarakada Al-shabaab Oo Baaba’day.

August 23, 2017

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa soo daabacay Warbixin uu cinwaan kaga dhigay “Rajada ay qabeen ehelada Maxaabiista ku jirta gacanta Al-Shabaab oo baaba’day” taas oo uu diiradda ku saarayey masiirka maxaabiistii dagaal ee lagu qabtay weerarkii Ceel-cadde ee sanadkii la soo dhaafay.

Wargeysku wuxuu sheegay in masiirka maxaabiistan uu ku xirnaa kaliya rajadii ay qabeen eheladooda balse uu hadda hoos u dhacay gabi ahaanba rajooyinkii  qaraabada ka dib markii ay ku dhexwareereen dowlad iska aamusan iyo Xarakada Al-Shabaab.

Maalinba maalinta ka dambeysa qoysaska ay ka dhasheen Dr Loanard Maingi Kiiyo, David Ngugi iyo Alfred Darryl Kilasi -oo dhamaantood ku jira Jeeyka Mujaahidiinta- waxay madaxyada ku garaacaan darbiga iyagoo sugaya in ay maqlaan fariinta wiilashooda ama khabar ku saabsan caruurtooda oo kaga yimaada dhanka military-ga Kenya.

Waxa ay doonayaan waa kaliya in ay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin wiilashooda iyo haddii ay wanaagsan yihiin balse macluumaadka kaliya ee ay ka helaan masiirka wiilashooda waa kuwa ay ka arkaan baraha Bulshada.

Waxa kaliya ee ay halkaas ka helaanna waa un Muuqaalada wiilashooda oo calaacalaya iyagoo caawin dalbanaya ama iyagoo la dilay.

Filimka Al-Shabaab

5-tii Bishan Agoosto, Saddex maalin ka hor doorashadii wadanka, Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab baraha Internetka ku baahisay muuqaal Video ah oo lagu soo bandhigayo mid ka mid ah maxaabiista dagaal ee dowlada Kenya oo la tooganayo kaas oo ahaa Dr Loanard Maingi Kiiyo.

Muuqaalka wuxuu watay hal ku dhig ahaa “Fariintii ugu dambeysay ee maxbuus dagaal Leonard Maingi Kiiyo.” Muddo ka dib markii la isla dhexqaaday, uuna kuna faafay baraha bulshada iyadoo la share-gareynayo lana Retweet gareynayo, markii dambe waa la tirtiray, balse waxaa meesha ku haray sawiradii laga jarjaray muuqaalka.

Filimka lagu soo bandhigay dilka Kiiyo waxaa sidoo kale lagu soo gudbiyey fariin dheer oo ku socotay dadka Kenyaatiga ah, Madaxweye Kenyatta, Warbaahinta Kenya iyo qoyskiisa.

Laba maalin un ka dib markii uu soo baxay filimka, xubnaha qoyskiisa ayaa u yeeray wariyeyaal horay kaga soo qaaday Wareysi oo bishii September ee sanadkii la soo dhaafay ku booqday gurigooda waqti uu wiilkooda markii ugu horeysay ka soo muuqday filim ay soo saartay Mu’asasada Al-Kataa’ib.

“Waxaa jira fariimo isku dhexyaacsan oo ku saabsan xaalka adeerkeyga, mana garanayo in ay run yihiin waxa aan ku aragnay baraha bulshada” sidaas waxaa yiri qof ka mid ah ehelada oo lagu magacaabo George.

Gar Aan La Shanleynin

Bishii September ee sanadkii la soo dhaafay Xarakada Al-Shabaab waxay soo saartay Muuqaal Video ah oo uu ka soo muuqanayo askarigan la dilay. Xilligaas wuxuu madaxweynihiisa ka dalbanayey in uu Xarakada Al-Shabaab kala hadlo xuriyadiisa iyo midda saaxiibadiisa.

Qaar ka mid ah xubnaha qoysku wax shaki kama galin in muuqaalka ay arkeen uu yahay wiilkooda.

Wuxuu u muuqday qof xoogleh oo heysta caafimaad dhameystiran inkastoo uu lahaa gar-dheer oo aanan muddo la shanleynin.

Dr Maingi oo ah xubin ka tirsanaa guutada 9aad ee ciidamada Kenya ee fadhigoodu yahay xeryaha Moi ee ku yaalla Eldoret waxaa gacanta ku dhigay dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab markii ay weerareen xerada ciidamada Kenya ee Ceelcadde 15-kii bishii January ee sanadkii hore, Islamarkaana ay dileen in ka badan 100 askari.

Tirada saxda ah ee ciidamadii lagu dilay weerarkaas oo loo tixgeliyey xasuuqii ugu xumaa ee ku habsada military-ga Kenya taariikhda Inta la xusuusto, ayaanan ilaa hadda bulshada iyo warbaahinta loo cadeynin.

Matthews Kiiyo oo ah maxbuuska la dilay walaalkiisa ayaa sheegay in macluumaadka ku saabsan dilka wiilkooda ay ka heleen kaliya baraha Bulshada, islamarkaana aysan ilaa hadda helin wax macluumaad ah oo kaga yimid dowlada oo ku saabsan dilka wiilkooda.

“Anigu ma daawan muuqaalka laakiin qaar ka mid ah xubnaha qoyska yaa daawaday, Anigu waan argagaxay markii aan sawirada ku arkay Twitterka iyo Facebook-ga. Waxaan nahay dad aanan lahayn awood ay ku caawiyaan, mana garaneyno wax aan sameyno” ayuu yiri.

15 maalin ka hor Weerarkii Ceel-Cadde

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dhowrjeer uu isaga daba noq-noqday saldhigga uu ka tirsanaa walaalkiisa ee ku yaalla Eldoret balse wuxuu tilmaamay in wax miro ah uusan ka keenin ku noq-noqoshada xeradaas.

Haweeneydii uu qabay oo iyadana la hadashay wariyeyaasha ayaa tiri: “Erayo kuma soo koobi karo waxa aan dareemayo, waxaan u go’ay in aan isaga u duceeyo” waxay si joogta ah macluumaadka seeygeeda kaga raadin jirtay warbaahinta oo ah meel aysan aqoon u lahayn dabagalkeeda iyo la socodkeeda.

Maingi wuxuu ka mid ahaa Ciidamo Kenyaati ah 1-dii bishii January ee sanadkii 2016-kii loo soo diray Soomaaliya 15 maalin ka hor inta uusan dhicin weerarkii Ceel-Cadde.

“Markii ugu dambeysay ee aan la hadalnay waxay ahayd 12-kii January, saddex maalin ka hor weerarka. Wuxuu iga dalbaday in aan u soo duceeyo isaga iyo saaxiibadiisa iyagoo ku sii wajahan meel halis ah”

Qisada Maxbuuska kale ee la yiraahdo Alfred Darryl Kilasi oo 36 jir ah kama duwana midda aan ku soo sheekeynay. Xubnaha qoyskiisu waxay aamisan yihiin in dowladu ay dayacday masiirka wiilkooda iyo maxbiista kale ee ku jira jeelka Xarakada Al-Shabaab

Waalidiinta maxbuuskan waxay maalma ka hor Wargeyska NATION u sheegeen in dowladu aysan kaga soo jawaabin warqad ay u direen oo ay kaga dalbanayeen macluumaadka halka uu ku sugan yahay iyo kaalinta ay ka qaadan karaan sii deyntiisa.

Waan Wareernay

Dr Epainitus Kilasi oo ah Aabaha dhalay maxbuuska ayaa isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla gobolka Vihiga u sheegay Wargeyskan in qoysku uu bishii May ee sanadkan warqad u diray waziirkii hore ee Amniga Kenya Joseph Nkaiserry iyagoo doonaya in howshu ay soo farageliso dowladooda.

Warqadda waxaa la qoray maalma un ka dib markii Alfred Kilasi uu ka soo muuqday video ay soo saartay Mu’asasada Al-kataa’ib oo uu maxbuuskan uu madaxweynihiisa kaga dalbanayey in uu ka shaqeeyo sii deyntiisa.

“Waan wareernay mana garaneyno halka uu wiilkeenu ku sugan yahay. waxaan afarta caruur ee uu dhalay u seegnaa in dowladu ay soo celin doonto aabahood si aan iyaga u dhiiragelino” ayuu yiri Dr Kilasi.

Maadama Joseph Nkaiserry oo ahaa waziirkii loo diray codsiga uu halaagsamay bil ka hor, wiilkoodana uu weli ku jiro jeelka Xarakada Al-Shabaab Isagoo maxbuus dagaal ah, waxay hadana baaq horleh u direen ku simaha waziirka Amniga gudaha ee hadda jooga iyo haweeneyda heysata wazaarada gaashaandhigga kuwaas oo ay ka codsadeen in ay soo farageliyaan arinta, soo afjaraan murugada heysata qoyska.

David Ngugi oo isagana hal il ku waayey dagaalkii Ceel-cadde, welina ah maxbuus dagaal ayaa muuqaalkiisu weli laga heli karaa baraha internetka isagoo dowlada Kenya ka dalbanaya caawin iyo in ay ka shaqeyso sidii uu xuriyadiisa ku heli lahaa.

Isku dayo lagu ogaan lahaa booska Military-ga uu ka taagan yahay ciidamada maxaabiista ah eek u jira gacanta Xarakada Al-Shabaab ayaanan lagu guuleysan sababo ku aadan Afhayeenadooda oo aanan diyaar u ahayn in ay arintaan ka hadlaan.

Continue Reading

Previous: Dhageyso Waaliga Jubbooyinka Oo Deeq Lacag Ah Ku Wareejiyay Ehelada Qoyskii Diyaaradaha Mareykanka Xasuuqeen.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Qarax Saraakiil Lagu Dilay.

Related Stories

Dhagayso Faahfaahin: 51 Saraakiil Iyo Askar Oo Lagu Dilay Howlgalkii Ruunirgood.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Faahfaahin: 51 Saraakiil Iyo Askar Oo Lagu Dilay Howlgalkii Ruunirgood.

March 25, 2023
Dhagayso Taliska Ciidanka Mujaahidiinta Oo Soo Saaray War Horudhac Ah.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Taliska Ciidanka Mujaahidiinta Oo Soo Saaray War Horudhac Ah.

March 25, 2023
Ciidamada Mujaahidiinta Oo Cagta Mariyay Maleeshiyadii Ku Sugnaa Runirgood.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Mujaahidiinta Oo Cagta Mariyay Maleeshiyadii Ku Sugnaa Runirgood.

March 25, 2023

Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.

December 20, 2022
Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.

December 6, 2022
Sawirro+Warbixin: Xalfaladda Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Tunni.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xalfaladda Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Tunni.

December 1, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.