Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Rabshado Iyo Shaqo Joojin Hareereysay Dalka Uganda.
  • Allposts
  • Warar

Rabshado Iyo Shaqo Joojin Hareereysay Dalka Uganda.

November 7, 2017

Wadanka Uganda waxaa kajira shaqa joojin ay sameeyeen dhammaan howlwadeenada caafimaadka arrinkaas oo saameeyay Malaayiin qof danyar ah oo ku tiirsanaa adeegyada caafimaadka bilaashka lacag la’aanta ah.

Dhakhaatiirta ka shaqeynaya Isbitaalada dadweynaha ee Ugandha ayaa sameeyeen mudaaharaadyo ballaaran oo ay uga cabanayaan mushaar la’aan iyo dayacaad uga timid dhanka xukuumadda sida uu sheegay Afhayeen uhadlay Ururka dhaqatiirta.

Shaqa joojinta ay ku dhaqaaqeen guddiga dhaqaatiirta dalka Uganda waxaa ka horreyay iskusoo baxyo ballaaran oo ka dhacayay dhammaan magaalooyinka waaweyn sida uu wakaaladda wararka Reuters u sheegay Faustus Kavuma oo ah Afhayeenka Ururka dhaqaatiirta Uganda.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in hoos u dhac ballaaran uu ku yimid lacagihii mushaaraadka ah ee dhanka dowladda uga imaan jiray iyo qalabka caafimaadka ee aas-aasiga u ah shaqada ay howlwadeenada caafimaadka uhayaan bulshada.

“qalabka shaqada ee yaal isbitaallada danta guud aad buu uliitaa sidoo kale waxaa hoos udhac ballaaran uu ku yimid lacagihii mushaaraadka ahaa ee dowladdu siin jirtay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka” ayuu yiri Afhayeenka Ururka dhaqaatiirta dalka Uganda.

Waxa uu sheegay in dhakhaatiirtu ay u baahnayeen waxyaabo ay ka mid yihiin gacmo gashi ama golofis, iyo qalabka jeermis dilaha.

Dowlada Uganda oo Musuq Maasuq uu ragaadiyay ayaa sanad walba mushaaraadka dhaqaatiirta iyo adeegyada caafimaadka ku bixin jirtay lacag ka badan 1.1 Bilyan oo ah lacagta maxalliga ah ee wadanka laga isticmalo.

Ururka dhaqaatiirta Uganda ayaa doonaya in qarashkas ku baxa caafimaadka kor loo qaado oo lagaarsiiyo 8.45 Bilyan oo ah shillinka Uganda.
Shaqa joojinta ay ku dhaqaaqeen Ururada iskaashatada caafimaadka dalka Uganda ayaa ka caraysiiyay malaayiin qof kuwaas oo ka sheeganaya cudurro uu ugu badanyahay cudurka dilaaga HIV.

Kooxaha mucaaradka ayaa ku eedaynaya xukuumadda in aysan miisaaniyadda sanadlaha ah qarash fiican ugu darin adeegyada caafimaadka taas bedelkeedna ay miisaaniyadda melletetiga sare uqaadday, Uganda waxay kamid tahay wadamada kumanaanka Askari uga qeyb qaadanaya duullaanka garadarrada ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Uganda oo uu wasiir ka yahay siyaasi ay isku dhowyihiin Yuweri Museveni ayaan dheg jalaq usiin cadaadisyada kaga imaanaya bulshada qeybaheeda kala duqan.

Mushkiladdan dhanka caafimadka ah ee ka taagan wadanka Uganda ayaa imaanaya xilli shacabku ka caraysanyihiin isku dayga uu kaligii Taliye Museveni ku doonayo in 31 sanadood xiriir ah uu sii maalo wadanka isagoo xabsiyada ku guray dhammaan siyaasiyiinta mucaaradsan xarig dheeraysashada uu sameeyay.

Continue Reading

Previous: Inka Badan 15 Askari Kenyaati Ah Oo Weerar Lagu Dilay.
Next: Dhageyso Falanqeyn Ku Aadan Hadalka Kasoo Yeeray Taliska AMISOM.

Related Stories

Dhagayso Faahfaahin: 51 Saraakiil Iyo Askar Oo Lagu Dilay Howlgalkii Ruunirgood.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Faahfaahin: 51 Saraakiil Iyo Askar Oo Lagu Dilay Howlgalkii Ruunirgood.

March 25, 2023
Dhagayso Taliska Ciidanka Mujaahidiinta Oo Soo Saaray War Horudhac Ah.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Taliska Ciidanka Mujaahidiinta Oo Soo Saaray War Horudhac Ah.

March 25, 2023
Ciidamada Mujaahidiinta Oo Cagta Mariyay Maleeshiyadii Ku Sugnaa Runirgood.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Mujaahidiinta Oo Cagta Mariyay Maleeshiyadii Ku Sugnaa Runirgood.

March 25, 2023

Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.

December 20, 2022
Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.

December 6, 2022
Sawirro+Warbixin: Xalfaladda Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Tunni.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xalfaladda Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Tunni.

December 1, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.