Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha Ciidamada Shisheeye lagu gaarsiiyay Qaraxyo lagula beegsaday Wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn oo ka wada tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Deegaanka Warmaxan ayaa Labo qarax oo aad u xoogan lagula beegsaday Kolanyo ka tirsan Ciidamada Kufaarta Afrikaanta, Iyadoo qaraxyadan khasara kala duwan lagu gaarsiiyay Kolanyada Shisheeyaha.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa Kufaarta Afrikaanta looga gubay Labo gaari oo kala ah Xamuul iyo Booyad, Iyadoo dhawaaqa qaraxyadan si aad ah looga maqlay deegaano badan oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Sidoo kale qaraxyadan ayaa sababay baqtiga iyo dhaawaca tiro askar ah oo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta, Waxey qaraxyadan kusoo aadayaan xilli Saacadihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose ay ka dhaceen Qaraxyo iyo Dagaallo khasaara culus lagu gaarsiiyay Maleeshiyaatka Murtadiinta iyo Askarta Kufaarta Afrikaanta.
Calamada.com