Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Qarax Askar American Ah Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Qarax Askar American Ah Lagu Dilay.

July 17, 2017

Wararka ka imaanaya gobalka Helmand ee konfurta Dalka Afghanistan waxey sheegayaan in dagaalo culus ay ka dhaceen deegaano hoostaga magaalada Naawah oo ka tirsan gobalkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada Nasaarada Mareykanka iyo kuwa maamulka daba dhilifka Kaabul ay isku dayeen iney weerar ku soo qaadaan magaalada Naawah oo muddo dheer ku jirta gacanta Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Kolanyada duulaanka ah waxaa qarax culus lagula beegsaday agagaarka deegaanka Jarnamu oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Naawah ee konfurta dalka Afghanistan.

Warbaahinta Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa baahiyay in miinada ay haleeshay gaari nooca gaashaaman ah oo ay lasocdeen askar ka tirsan Nasaarada Mareykanka.

Sidoo kale warbaahinta Imaarada ayaa xaqiijiyay in miinada gabi ahaan ay burburisay gaariga gaashaaman ee ay la kacday,sidoo kale qaraxaasi waxaa lagu dilay Afar Askari American ah oo gaariga la socday.

Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa lagu jabiyay dhowr duulaan oo maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo qaadeen magaalada Naawah oo wali ku jirta gacanta Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Askartan Americanka ee lagu dilay gobalka Helmand ayaa kusoo aadayo xilli Labo maalin ka hor howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobalka Barwan ee Waqooyga Afghanistan ay ku burburiyeen gaari gaashaaman kuna dileen Saddex askari oo American ah.

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Akhriso Weerarka Yahuuda Ee Masjidul Aqsaa Oo Bayaan Wada Jir Ah Laga Soo Saaray.
Next: Gaduudow Oo Lagu Dilay Degmada Baydhabo.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka-Jimco-09-Ramadaan-1444-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka-Jimco-09-Ramadaan-1444-Hijri.

March 31, 2023
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (09).
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (09).

March 31, 2023
Daawo Al-kataa’ib Oo Muuqaal Kasoo Saartay Weerarkii Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Al-kataa’ib Oo Muuqaal Kasoo Saartay Weerarkii Daaru-nicma.

March 31, 2023

Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.

March 29, 2023
Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.

March 26, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.

March 26, 2023
Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.