Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Mujaahidiinta Al-qaacidah Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerar Ka Dhacay Dalka Tunis.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Al-qaacidah Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerar Ka Dhacay Dalka Tunis.

April 10, 2017

Katiibada Cuqbah Bin Naafic oo ah farac mujaahidiinta Al-Qaacida ee ka howlgala dalka Tunis ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar xoogan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamada xukuumada dabadhilifka ah ee dalka Tunis kaas oo ka dhacay waqooyi-galbeed wadanka sida lagu sheegay bayaan kooban oo ay mujaahidiintu ku faafiyeen baraha internetka.

Mujaahidiinta ayaa sheegay in weerar loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay in lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan xukuumada Maali oo ku sugnaa Buuraha Al-Wargah ee gobalka Kaaf, Islamarkaana halkaas lagu dilay askar dhowr ah oo ka tirsan ciidamada cadowga, lagu dhaawacay tiro kale.

Gobalkan oo dhaca waqooyi-galbeed wadanka Tunis ayaa dhaca meel u dhow xad-beenaadka uu dalkaas la wadaago wadanka Al-jazaa’ir, Waxaana dhowrjeer ka dhacay weeraro abaabulan oo mujaahidiintu ay ku beegsadeen qaar ka mid ah ciidamada Xukuumada Tunis gaar ahaan ciidanka loo yaqaano ilaalada xuduudda.

Warbaahinada maxaliga ah ee dalka iyo Saraakiil u hadashay Xukuumada Tunis ayaa xaqiijiyey weerarkan balse waxay isku dayeen in ay yareen qasaaraha halkaas ka soo gaaray ciidankooda, Iyagoona sheegay in hal askari oo kaliya uu kaga dhaawacmay qaraxaas balse waxaa la aaminsan yahay in qasaaraha uu intaas ka badan yahay.

Weerarkan wuxuu yimid hal todobaad un ka dib markii weerar midkan la mid ah ay mujaahidiintu ku beegsadeen ciidamo ka tirsan xukuumada Tunis oo ku sugnaa buuraha Al-Gaambi ee gobalka Qasriin kaas oo isna qasaare kala duwan lagu gaarsiiyey cadowga.

Katiibada Cuqbah Ibnu Naafic ee ka howlgasha dalka Tunis ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey kordhisay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaatka Xukuumada Tunis ee ka howlgala xad-beenaadka kala qeybiya Tunis iyo Al-Jazaa’ir, Waxayna dhowrjeer soo bandhigtay muuqaalada weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo lagu ugaarsanayo dhaq-dhaqaaqa cadowga ee mandiqadaasi.

Weerarkii ugu qasaaraha badnaa waxay fulisay Bishii August ee sanadkii la soo dhaafay xilligaas oo ay weerar lagu hoobtay oo dhabagal ah u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidanka Xukuumada Tunis oo ku socdaalayey Buuraha loo yaqaano Samama ee gobalka Qasriin, halkaas oo tobaneeyo ka mid ah ciidanka cadowga ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Xukuumada Tunis ayaa dhowrjeer ku faantay in ay soo afjartay quwadda Mujaahidiinta ee dalkaas, Islamarkaana ay wadanka ka sifeeyeen mujaahidiinta balse hadda waxay wajahayaan taxadi horleh oo kaga imaanaya Katiibada Cuqbah Ibnu Naafic oo ah koox sal adag ku sameysatay halkaas, sufuufteeduna ay ku badan yihiin dhalinyarada Tunisiyiin ah oo u diyarsan riditaanka nidaamka Mujrimka ah ee dalkaas iyo soo celinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Continue Reading

Previous: Sarkaal Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Muqdisho Lagu Qarxiyay.
Next: Camaliyad Istish-haadi Ah Oo Ka Dhacday Xero Ciidan Oo Ku Taalla Muqdisho.

Related Stories

Dhagayso Barnaamij Gaar Ah Oo Lagu Falanqeeyay Filimka Al-kataa’ib Ee Buulo-mareer.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Dhagayso Barnaamij Gaar Ah Oo Lagu Falanqeeyay Filimka Al-kataa’ib Ee Buulo-mareer.

June 5, 2023
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-11-1444 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-11-1444 Hijri.

June 5, 2023
Akhriso Xogta Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

June 5, 2023

Sawirro

Sawirro Mujaahidiinta Oo Qarax Ku Dhaawacay Xog-hayaha C/raxmaan Cabdishakuur.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro Mujaahidiinta Oo Qarax Ku Dhaawacay Xog-hayaha C/raxmaan Cabdishakuur.

June 3, 2023
Sawirro: 18 Qof Oo Lagu Dilay Dagaallo Dib Uga Qarxay Khartuum.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: 18 Qof Oo Lagu Dilay Dagaallo Dib Uga Qarxay Khartuum.

June 1, 2023
Daawo Hubkii Iyo Gaadiidkii Ay Mujaahidiintu Ku Qaniimeysteen Weerarkii Masagawaay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hubkii Iyo Gaadiidkii Ay Mujaahidiintu Ku Qaniimeysteen Weerarkii Masagawaay.

May 31, 2023
Daawo Sawirrada Halaaggii Ku Habsaday Maleeshiyaadkii Ku Sugnaa Masagawaay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Halaaggii Ku Habsaday Maleeshiyaadkii Ku Sugnaa Masagawaay.

May 30, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Uganda Ku Qabsaday Buulo-mareer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Uganda Ku Qabsaday Buulo-mareer.

May 26, 2023
Mujaahidiinta Al-qaacidda Oo Diyaarad Drone Ah Ku Weeraray Sarkaal Sare.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Al-qaacidda Oo Diyaarad Drone Ah Ku Weeraray Sarkaal Sare.

May 25, 2023
Daawo Sawirrada Gaadiid Ciidan Oo Maleeshiyada Gaashaan Looga Gubay Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Gaadiid Ciidan Oo Maleeshiyada Gaashaan Looga Gubay Sh/hoose.

May 11, 2023
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Bakool.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Bakool.

May 10, 2023
Daawo Oo Dhagayso: Wilaayada Baay Oo Billowday Olole Lagula Dagaallamayo Kaneecada.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Oo Dhagayso: Wilaayada Baay Oo Billowday Olole Lagula Dagaallamayo Kaneecada.

May 8, 2023
Daawo Oo Dhagayso: Farxadda Ciidda Iyo Caruurta Agoonta Iyo Degmada Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Oo Dhagayso: Farxadda Ciidda Iyo Caruurta Agoonta Iyo Degmada Jilib.

April 23, 2023
Daawo Sawirrada Tiyeeglow Iyo Sida Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Tiyeeglow Iyo Sida Looga Ciiday.

April 22, 2023
Daawo Sawirrada Galhareeri Iyo Sida Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Galhareeri Iyo Sida Looga Ciiday.

April 22, 2023
Sawirro: Sidee Looga Ciiday Magaalada Ceelbuur Ee Wilaayada Galgaduud?.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Sidee Looga Ciiday Magaalada Ceelbuur Ee Wilaayada Galgaduud?.

April 21, 2023
Daawo Jilib Oo Si Wayn Looga Dabaal-degay Munaasibadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Jilib Oo Si Wayn Looga Dabaal-degay Munaasibadda Ciidda.

April 21, 2023
Daawo Buq’aqable Iyo Sida Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Buq’aqable Iyo Sida Looga Ciiday.

April 21, 2023
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalada Kuunyo Barrow Ee WI Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalada Kuunyo Barrow Ee WI Sh/hoose.

April 21, 2023
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.