Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Milatariga Burma Oo Si Bareer Ah U Rasaaseeyay Muslimiin Qaxayo.
  • Allposts
  • Warar

Milatariga Burma Oo Si Bareer Ah U Rasaaseeyay Muslimiin Qaxayo.

August 27, 2017

Ciidamada dowlada ay Buudhiyiintu leeyihiin ee Burma ayaa si bareer ah rasaas ugu furay dad shacab ah oo Muslimiin ah oo ka qaxayey dagaalada ka soo cusboonaaday dalkaasi xilli ay dadkaas isku dayayeen in ay ka gudbaan xad-beenaadka, una sii gudbaan dalka Bangaladesh.

Wariye ka tirsan Wakaaladda wararka AFP oo ku sugan magaalada xadka saaran ee Gumduun ee dhacda xad-beenaadka ayaa sheegay in uu tiriyey in ka badan 10 madfac oo ciidamada Xukuumada Baarma ay ku soo rideen dadka shacabka ah iyo rasaas aan tiro lalahayn oo ka dhaceysay qoryaha daran dooriga oo ciidamadu ay ku ridayeen dadka rayadka ah ee ka baxsanayey gumaadka wuxuushnimo ee ciidamadaasi.

Dadkan waxay u badnaayeen dumar iyo caruur, waxayna ku dhuumaaleysanayeen deegaanada buuraha ah ee u dhow xad-beenaadka labada dal sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Bangaladesh iyo Wariyeyaasha ku sugan deegaanadaasi. Ilaa hadda lama sheegin wax dad ah oo lagu dilay rasaastaas iyo dad lagu dhaawacamay balse waxay kala yaacisay dadkii barakacayaasha ahaa.

Manzurul Hassan Khan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Bangaladesh ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Barma ay si bareer ah rasaas ugu fureen shacabka. “Waxay dadka shacab ah ku beegsanayeen madaafiic iyo hubka daran-dooriga, si bareer ah ayeyna u beegsanayeen dadka” ayuu yiri.

Golaha qowmiyadda Rohingya ee Yurub ayaa sidoo kale xaqiijiyey weerarkan, waxayna sheegeen in dadkan ay ka baxsanayeen dagaalada ka soo cusboonaaday galbeedka dalka, islamarkaana ay la kulmeen weerar kaga yimid ciidamada Buudhiyiinta ah. “Haa Waxaa xaqiiq in ciidamadu ay beegsadeen dadka shacabka ah, waxaan heynaa muuqaallo Video ah oo laga soo duubay halkaas” sidaas waxaa yiri xubin u hadlay golahaasi.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada military-ga Burma oo ay wehliyaan kooxo buudhiyiin xagjir ah oo ku hubeysan faasas, seef iyo budad ay weerareen qoysas Muslimiin ah oo aanan hubeysneen oo ku sugnaa gobolka Rakhiin.

Falalkan wuxuushnimo ee ay geysanayaan ciidamada Buudhiyiinta ee dowlada Burma iyo bulshadooda ayaa imaanaya maalin un ka dib markii weerar xoogan oo lagu laayey ciidamada ka tirsan Police-ka iyo military-ga Burma lagu qaaday in ka badan xarumo Police iyo saldhig military oo ku yaalla gobolka ay Muslimiinta leeyihiin ee ku hoosjira gumeysiga Buudhiyiinta.

Mas’uuliyadda weerarkan oo lagu dilay in ka badan 90 ruux waxaa sheegtay ciidamado la magacbaxay “Ciidamada Bad-baadinta Rohingya” oo ka tirsan xarako loo yaqaano Al-Yaqiin oo ah koox Islaami ah oo hubeysan oo sanadkii la soo dhaafay ku dhawaaqday olole dagaaleed ka dhan ah military-ga Burma oo lagu difaacayo Muslimiinta.

 

Continue Reading

Previous: Akhirso Haweeney Kenyaati Ah Oo Dhimatay Kadib Markii Loo Keenay Meydka Wiilkeeda Oo Sarkaal Ahaa.
Next: Dhageyso Xaalada Itoobiya Oo Faraha Kasii Baxday.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-08-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-08-1444-Hijri

March 21, 2023
Shabaabul Mujaahidiin Oo Ku Dhawaaqday In Barri La Dhamaystirayo Shacbaan.
  • Allposts
  • Warar

Shabaabul Mujaahidiin Oo Ku Dhawaaqday In Barri La Dhamaystirayo Shacbaan.

March 21, 2023
Maktabka Qadaha Ee XSHM Oo Baadigoobaya Bilashada Bisha Ramadaan.
  • Allposts
  • Warar

Maktabka Qadaha Ee XSHM Oo Baadigoobaya Bilashada Bisha Ramadaan.

March 21, 2023

Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.

December 20, 2022
Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.

December 6, 2022
Sawirro+Warbixin: Xalfaladda Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Tunni.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xalfaladda Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Tunni.

December 1, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.