Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • In Ka Badan 20 Xubnood Oo DF Laga Dilay Doorashadii Farmaajo Kadib. (Warbixin)
  • Allposts
  • Warar

In Ka Badan 20 Xubnood Oo DF Laga Dilay Doorashadii Farmaajo Kadib. (Warbixin)

March 10, 2017

Farmaajo Iyo DowladiisaTan iyo markii 08-02-2017 xilka madaxweynaha DF loo doortay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay in ka badan labaatan weerar oo lagu dilay mas’uuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsan DF.

February13, 2017  oo ku aadan afar maalmood uun kadib doorashadiisii ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee laga keenay magaalada Cadaado.

Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley ayaa waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday xabadaha ka dhaca bastooladda.

February15, 2017 waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne.

Dilka Muuse ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wada-jir, sida ay xaqiijiyeen dad goob jog ahaa oo la hadlay war-baahinta maxalliga ah.

February18, 2017 waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF.

Hagafey ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyadu dagaal kula jirta ciidamada shisheeye iyo maamulada ku daaban.

February18, 2017 waxaa Isgoyska Ceel-gaabta lagu weeraray taliye ku xigeenkii Bs-ta ninka lagu magacaabo Xassan Dheere.

Rasaas lagu shannaqay gaari ay saarnaayeen isaga iyo ilaaladiisa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka DF ay sheegtay iney cambaareeneyso.

February 21, 2017 waxaa degmada Xamar Jajab lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cabdi Cumar Ibraahiim, waxaana la isla dhex marayay in dilkiisa uu ugu wacan yahay isagoo wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

February 22, 2017 waxaa madaafiic lagu weeraray xaruntii hore ee ciidankii circa Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhacaysay xaflad lagu caleema saarayay Farmaajo.

February 24, 2017 waxaa si fool-kafool ah loo toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF oo lagu magacaabi jiray Maxamad Cumar, kadib markii ay degmada Xamar jajab ku beegsadeen rag hubeysan.

February 25, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cusmaan Kheyrre oo kamid ahaa dadkii xildhibaanada kusoo doortay Gal-mudug.

Rag hubeysan ayaa kheyre ku beegsaday isgoyska Cali kamiin degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdihso, waxaana marka oday la dilo caasimadda caan ka noqotay iney dadku is weydiiyaan su’aalo ay kamid yihiin ma xildhibaanada ayuu wax kasoo xulay?

February 26, 2017 waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay weerar si aad ah loo soo qorsheeyay oo lagu dilay sarkaal kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Jawaari, horayna xildhibaan usoo noqday.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Mursal ayaa lagu dilay xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley, kadib markii rasaas ooda looga qaaday gaari uu watay, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

February 27, 2017 waxaa degmada Boondheere lagu weeraray mas’uul ka tirsanaa Bankiga dhexe ee DF oo lagu magacaabo Shire Dhagey, waxaana dhacday inuu isagu ka badbaaday rasaas lagu furay gaarigiisa, balse waxaa ku geeriyooday darawalkiisii, sidoo kale isla maalintaas waxaa askari ka tirsanaa DF lagu dilay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid.

February 27, 2017 waxa kale oo dhacay weerar ay ku dhinteen tiro kamid ah askarta DF, kadib markii nawaaxiga Ex. Koontarool Afgooye loo dhigay gaari qarax laga buuxiyay.

Askarta iyo saraakiishooda oo mooday in gaariga looga tagay, ayaa si ay u boola xoofteeyaan saxaafadda isugu yeeray, laakin waxaa halkaasi ka raacay dhibaato ku keentay dhimashada in ka badan 4, dhaawac iyo waji gabax, kadib markii lagu qarxiyay gaariga xilli ay ku xoonsanaayeen.

February 28, 2017 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay toogasho loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF, kaasoo ay dhib weyn ku qabeen shacabka degmada Dharkeenley.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamad ayaa lagu dilay xaafadda Macallim Nuur ee degmadaasi, iyadoo daqiiqado kadib dilkiisa ay goobta soo gaareen saaxiibadiis Nabad sugidda.

February 28, 2017 waxay ahayd maalin ay dhacdooyinku badnaayeen, waxana askari kale oo ka tirsanaa ciidamada DF lagu dhaawacay isla xaafadda macallim Nuur ee degmada Dharkeenley. Askarigan ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamuud Geelle.

February 28, 2017 waxa kale oo dhacay weerar lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Af-leershe.

Af-leeshe ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday qarax, kaasoo lala beegsaday xilli uu gaarigiisa saarnaa islamarkaana uu marayay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

March 06, 2017 waxaa howl gal abaabulan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa DF kadib markii gurigiisa loogu galay, waxaana sarkaalkan lagu magacaabi jira Nuur Cali Isxaaq.

March 08, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiye laameed ka tirsanaa degmada Yaaqshiid, kadib markii si bareer ah loogu weeraray rasaas.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Taakow (Macalin Shabeeloow) islamarkaana ahaa gudoomiyaha Laanta Sahan ee waaxda Heegan ayaa wuxuu dilkiisu ka dhacay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid.

March 08, 2017 weerar kale oo toogasho ah ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Rag hubeysan ayaa beegsaday C/laahi Kabaweyne oo kamid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Galmudug.

Haddaba weerarada ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay in ka badan 20 qof oo DF ka tirsanaa, ayaa waxaa wehliya weeraro kale oo ka dhacay magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo meelo kale.

March 02, 2017 waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay haweeney ka tirsanayd maamulka Shariif Xassan ee Koofur galbeed, kadib markii lagu weeraray xaafadda lagu magacaabo Mursal oo dhaqdhaqaaqeedu ku badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo.

March 04, 2017 waxaa dharaar cad weerar bambaano lagu qaaday maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Boosaaso, halkaasoo khasaare aan la cayimin uu kasoo gaaray xubno ka tirsan maamulka Gaas ee Puntland.

March 08, 2017 waxaa dhaawac culus loo geystay xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Bootaan, kadib markii isagoo gaarigiisa wata lala beegsaday qarax xooggan.

Weerarka lagu dhaawacay xildhibaanka ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana dhaawiciisa oo halis ah loo duulay dalka dibaddiisa March 09, 2017. Xildhibaankan ayaa qeyb ka ahaa gudiga ammaanka isagoo ku lug lahaa dagaaladii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Suuj iyo Garacad.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu dhaawacay xildhibaankan, iyadoo maamulka Puntland uu aad uga murugooday dhacdadan.

March 08, 2017 weerar kale oo qarax loo adeegsaday ayaa ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo lala beegsaday gudoomiyaha degmadaasi iyo ilaaladiisa. Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha, halka isaguna uu ku dhaawacmay.

Haddaba Intaa waxa dheer weerarada lagu qaado xeryaha ciidamada shisheeye, kuwa dowladda iyo weerarada dhabba gallada ah oo sida joogta u dhaca, kuwaasoo iyagu aad u fara badan.

Isku soo wada duuboo dhacdooyinkan silsiladda ah ee khasaaraha dhaliyay ayaa dhacay wax ka yar 40 maalmood gudahood ama laga soo billaabo tan iyo markii Farmaajo la doortay oo laga joogo muddo dhowr iyo sodon maalmood ah, tanina waxay muujineysaa fashilka amni ee durbadiiba ku billowday dowladdiisa.

Idaacadda Islaamiga Ah Ee Al-furqaan.

Continue Reading

Previous: Bashiir Muxamed Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.
Next: Dhageyso Idaacada Andalus Oo Bartamaha Soomaaliya Ka Hirgalisay Xarun Cusub.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -08-09-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -08-09-1444-Hijri

March 29, 2023
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-09-1444 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-09-1444 Hijri.

March 29, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.

March 29, 2023

Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.

March 29, 2023
Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.

March 26, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.

March 26, 2023
Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.