Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Faahfaahino Laga Helayo Qaraxyo Iyo Duqeymo Ka Dhacay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahino Laga Helayo Qaraxyo Iyo Duqeymo Ka Dhacay Muqdisho.

April 16, 2017

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo duqeyman xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala beegsaday xarumo iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada Federaalka.

Mid ka mid ah weerarada oo ahaa duqeyn ayaa lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo mujaahidiinta ay ku garaaceen gantaallo dhowr ah.

Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in ugu yaraan afar gantaal lagu dhuftay garoonka, kuwaas oo geystay qasaare nafeed iyo burbur hantiyadeed.

Weerarkaas ka dib, Maleeshiyaat ka tirsan murtadiinta ayaa ku soo faafay xaafadaha degmada Wadajir si ay baaritaano kaga fuliyaan halkaas balse inta aysan soo gaarin goobihii ay ku soo jeedeen ayey weerar xoogan kala kulmeen ciidamo ka tirsan mujaahidiinta oo halkaas ku diyaarsanaa.

Saraakiisha mujaahidiinta ayaa noo sheegay in maleeshiyaatka lala eegtay qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ka dibna uu xigay weerar toos ah oo mujaahidiintu ay ku beegsadeen kolonyadooda.

Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaada la dirirka ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalkaas, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro intaas ka badan. Saraakiishu waxay noo sheegeen in maleeshiyaatka ugu badan ay ku dhinteen iska horimaadka goobta ka dhacay oo ahaa mid aad u xoogan.

Dhanka kale, Qarax loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa barqanimadii maanta lala eegtay gaadiid ay la socdeen Saraakiil iyo shaqaale ka tirsan gaalada QM oo marayey meel u dhow deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan ayaa ka koobnaa Laba gaari oo nooca raaxada ah oo ay la socdeen Saraakiisha iyo laba gaari oo qooqan ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaatkii ilaalada u ahaa Saraakiisha, Waxaana qaraxa si gaar ah u beegsaday mid ka mid ah gaadiidkii ay la socdeen maleeshiyaatka murtadiinta.

Ilo Wareedyo ayaa noo xaqiijiyey in gaariga ay la socdeen maleeshiyaatka uu meesha ku burburay,Askartii saarnaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen goobta.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Sarkaal Lagu Weeraray Degmada Hurwaa.
Next: Ku Dhawaad 10 Askar Kenyaati Ah Oo Lagu Dilay Jubbada Hoose.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -08-09-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -08-09-1444-Hijri

March 29, 2023
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-09-1444 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-09-1444 Hijri.

March 29, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.

March 29, 2023

Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii 2-aad Ee Baarsanguuni Oo La Baahiyay.

March 29, 2023
Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Xasuuqii Gorgor Loogu Gaystay Ruunirgood.

March 26, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.

March 26, 2023
Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.