Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Diyaaradaha Mareykanka Iyo Kenya Oo Dad Shacab Ah Iyo Xoolo Ku Duqeeyay Konfurta Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Diyaaradaha Mareykanka Iyo Kenya Oo Dad Shacab Ah Iyo Xoolo Ku Duqeeyay Konfurta Somalia.

October 3, 2019

Diyaaradaha Dronesta Maraykanka ayaa duqeymo aan loo meel dayin waxay maalmihii lasoo dhaafay ka geysanayeen deegaannada u dhow saldhiga garoonka Ballidoogle oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Soomaaliya.

Diyaaradaha ayaa duqeynaya dadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan tuulooyinka u dhow Ballidoogle, waxaana dhacay duqeymo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, waxay duqeymahan dhaliyeen iney kala lumaan waalidiin iyo caruurtooda, maadaama dadka reer baadiyuhu aaney dhegahooda ku badneyn duqeymaha waaweyn, ayna aad uga cabsadaan.

Maraykanka ayaa aad uga xanaaqsan weerarkii cuslaa ee dhawaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday saldhiga Ballidoogle, halkaas oo ay ku dishey 121 askari oo Maraykan ah, 12 Yahuud ah iyo 40 qandaraaslayaal ah oo u shaqeynayay ciidamada Maraykanka.

Dhanka Kale wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Melleeteriga Kenya ay xalay fiidkii duqeeyeen baadiyaha deegaanka Hoosingoow.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo (Gurur) oo ay deganyihiin dadka xoolaha dhaqtada ah gaar ahaan kuwa loo yaqaan Lo’layda ee Lo’da dhaqda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in 2 qof ay isla goobta ku dhinteen halka hal qof kale uu dhaawac soo gaaray, wararka ayaa intaas ku daraya in 12 neef oo Lo’ ah ay goobta ku bakhtiyeen halka 50 kale ay waxyeello gaartay.

Qof ka badbaaday duqeynta ayaa warbaahinta u sheegay in 4 gantaal ay ku dhaceen tuulada Gurur islamarkaana ay dhulka howdka ah ufirxadeen boqolaal neef oo Lo’ ah.

Habeen hore ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamada Kenya ay duqeyn uga geysteen deegaanka Welmaaroow oo hoos taga degmada Afmadoow ee isla gobolka Jubbada Hoose, dowladda Kenya ayaa xasuuqa ku haysa shacabka Soomaaliyeed ee deggan Jubbooyinka iyo Gedo.

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
Next: Akhriso Bayaan Kasoo Baxay Maktabka Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-03-1445 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-03-1445 Hijri.

September 28, 2023
Akhriso Warsaxaafadeedka Camaliyaadkii Dhuusamareeb Lagula Eegtay Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Warsaxaafadeedka Camaliyaadkii Dhuusamareeb Lagula Eegtay Gurguurte.

September 28, 2023
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -13-03-1445-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -13-03-1445-Hijri.

September 28, 2023

Sawirro

Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 23, 2023
Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.

September 21, 2023
Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.

September 18, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.

September 16, 2023
Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 13, 2023
Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.

September 13, 2023
Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.

September 10, 2023
Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.

September 8, 2023
Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.

September 7, 2023
Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.

September 6, 2023
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.

September 5, 2023
Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.

September 4, 2023
Daawo Mujaahidiinta Oo Howlgal Amniga Lagu Sugayo Ka Sameeyay Qoryooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Howlgal Amniga Lagu Sugayo Ka Sameeyay Qoryooley.

September 4, 2023
Daawo Ceeldheer Oo Dib Looga Qotomiyay Raayada Towxiidka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ceeldheer Oo Dib Looga Qotomiyay Raayada Towxiidka.

August 30, 2023
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.