Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso+Akhriso: Shabaabul Mujaahidiin Oo Digniin Ka Soo Saaray Dalladaha Waxbarasho Ee Faafiya Dhaqanada Reer Galbeedka.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso+Akhriso: Shabaabul Mujaahidiin Oo Digniin Ka Soo Saaray Dalladaha Waxbarasho Ee Faafiya Dhaqanada Reer Galbeedka.

April 19, 2017

Kalimad la dhageysan karo muddo 26 daqiiqo ah oo uu kaga hadlayey duulaanka xagga Maskaxda ah ee gaaladu ay ku soo qaaday waxbarashada Islaamiga ah ayuu Sheykh Cali Maxamuud Raage, Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku sheegay in ubadka soo koraya ee Muslimiinta uu maanta wajahayo duulaan xagga Maskaxda ah oo lagula dagaalamayo diintooda, sharaftooda iyo Akhlaaqdooda wanaagsan.

Sheykh Cali Dheere –Xafidahullaah- ayaa waalidiinta Soomaaliyeed siiyey talooyin iyo tusmooyin dhowr ah oo ku saabsan tarbiyada ubadka iyo waxbarashadooda, Wuxuuna kula taliyey in caruurta marka ay gaaraan xilliga waxbarashada la geeyo Madaraso Islaami ah, loona dhiibo Macalimiin diintooda iyo Akhlaaqdoodu wanaagsan tahay oo uu ka muuqdo dhaqanka Kitaabka iyo sunada, Wuxuuna dhanka kale kaga digay Iskuulada iyo jamacadaha u adeegaya danaha gaalada.

“Hadaba Waalidiinta Muslimiinta waxaan ugu naseexeynaynaa –Waalidiinta Soomaaliyeed si gaar ah- in ay ka digtoonaadaan iskuulada ama madaarista iyo jaamicaatka u adeegaya danaha gaalada iyo gaala raacyada ee la rabo in jiilka soo koraya looga fogeeya tacliinta Islaamka iyo ku dhaqanka shareecada islaamka, Lagana dhigo kuwa gaalada Jecel hadafkoodana uu yahay shahwadooda iyo waxa ay cunaan oo kaliya. Iskuuladaas iyo jaamicaatkaas waa dagaal ay gaaladu ku soo qaaday dunida Muslimka ah Muddo hore, ayna gaaladu u aragtay in uu yahay dagaal lagu guuleystay oo uga dhib yar midka xabadda maadama uu xaqiijinayo hadafka ay rabaan” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu Sheykh Cali Dheere Allaha Xifdiyee tilmaamay in Shirar badan oo gaaladu ay qabteen iyo daraasaad ay faafiyeen hay’adaha gaaleysiinta u qaabilsan reergalbeedka ay cadeynayaa in gaaladu ay Ubadka Muslimiinta ku beereen dhaqanadooda iyo diintooda, kana fogeeyeen tacliintooda taasna ay keentay in jiilka Muslimiinta ay ka tagaan Akhlaaqdooda wanaagsan iyo barashada diintooda, ayna ku mashquulaan waxbarashada iyo dhaqanada reergalbeedka.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay iskuulada iyo jamaacadaha faafiya tacliinta gaalada kuwaas oo uu tilmaamay in Ubadka ay kala dagaalamaan diintooda, sidoo kalena faafiyaan dhaqanada reergalbeedka. Wuxuu tiriyey ugu yaraan shan qodob oo uu xusay in ay ka mid yihiin calaamadaha lagu yaqaano Iskuuladaas iyo jamaacadahaas
“Calaamadaha lagu yaqaano iskuuladaas iyo jaamacadahaas waxaa ka mid ah: waxay ku dadaalaan luuqadaha Ajinabiga, waxayna la dagaalamaan Luuqadda carabiga waayo luuqad kasta waxay wadataa tarbiyadeeda, luuqadda carabiguna waa luuqadda diinta Islaamka, Waa luuqadda Nabigeena, Waa luuqadda Kitaabkeena, ugu dambeyna waa luuqadda Ahlu-Jannaha sidaas darteed ayaana Muslimiinta looga fogeynayaa, luuqadaha ajinabigana loo jecleysiinayaa wax kasta oo marmarsiyo looga dhigaba” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale yiri: “Waxay ardaydooda ku xiraan islamarkaana ay jecleysiiyaan gaalada iyo wadamadooda iyagoo u amaanaya dhaqamada gaalada, siyaasadooda, aqoontooda, hormarkooda, Ugana sheekeeya taariikhdooda iyo dadkoodii magaca lahaa si ardayga qalbigiisa halkaa loogu xiro, dhanka kalena waxaa laga qarinayaa ama loo suurad xumeynayaa Islaamka iyo taariikhdiisa si ardayga loo tuso wax aanan micno lahayn”

Wuxuu sheegay in arintan ay keentay dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay aafada Tahriibka sababtoo ah waxaa dhalinyaradii loo amaanay buu yiri dhulalka gaalada, hormarkooda iyo dhaqanadooda taas oo keentay in ay badaha ku yaacaan. Waxay sidoo kale keentay buu yiri in ay yaraato aqoonta ay u leeyihiin diintooda dhan cibaado iyo dhan akhlaaqba.

“Iskuulada iyo jamaacaatka noocaas ah waa kuwa ugu badan ee maanta dalkeena ka jira waayo intooda badan waxay ku xiran yihiin hay’ado iyo ururo ajnabi ah oo u adeega danaha gaalada sidoo kalena waa tacliinta ay u sacnineyso dowlada ridada, sidaas darteed waa inaan aad iyo aad uga fiirsanaa cidda aan ku aamineyno tarbiyada ubadkeena”

Qeybaha dambe ee Kalimadda, wuxuu Sheykhu fariin adag ugu diray Dalladaha waxbarasho, Ururada, Mu’assaatka iyo shaqsiyaatka ka shaqeeya howlaha waxbarashada ee faafiya dhaqanada reergalbeedka kuwaas oo ugu baaqay in ay ka joogsadaan garabsiinta ay gaaladu ku garab siinayaan fasahaadinta Akhlaaqda ubadka, Qofkii arinkaas ku sii dhiirada uu wajihi doono cawaaqibteeda.

“Waxaan uga digeynaa Daladaha, Ururuada, Mu’asasaatka iyo shaqsiyaatka ku howlan fulinta ajandayaasha gaalada iyo gaala-raacyada in ay ka waantoobaan howshaas, ayna joojiyaan manaahijta qaloocan ee u adeegeysa rabitaanka gaalada iyo gaala-raacyada, ayna ogaadaan in howsha ay ku jiraan ay tahay garab siin ay gaaladu ku garabsiinayaan gaaleysiinta ubadka Muslimiinta, taasna ay ka dhalaneyso in diinta laga baxo waa haddii ay Muslimiin ahaayeen, Haddii ay ogaal gaaladu ku garab siinayeena ha ogaadaan in ay dagaal kula jiraan Muslimiinta, ayna waxba ka duwaneyn gaalada soo duushay, dadka Muslimiinta ahna ha ogaadaan in cidii iyadoo howshaas ku jirta ay wax ku soo gaaraan aanan la dulminin balse ay iyadu dagaal cad ay gashay”

Ugu dambeyntii wuxuu Sheykhu hadalkiisa soo gabagabeeyey: “Waxaan u mahadcelineynaa cid kasta oo hagaajisay tarbiyada ubadkeena, iyo ruux waliba oo ka qeyb qaatay faafinta shareecada Raxmaanka iyo qof waliba oo jecel in shareecada Allaah koonkan lagu maamulo, Waxaana dhamaantood ku leenahay Jazaakumullaahu Kheyral Jazaa”.

 

Halkan Ka Dhageyso Kalimadda Sheekh Cali Dheere.

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Waaliga Gobalka Baglaan Oo Shihiiday.
Next: Xiisad Ka Taagan Buulo-burte Iyo Askari Jabuutiyaan Ah Oo Lagu Dilay.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -09-03-1445-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -09-03-1445-Hijri.

September 24, 2023
Akhriso Xogta Howlgallo Ka Kala Dhacay Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Howlgallo Ka Kala Dhacay Sh/hoose Iyo Baay.

September 24, 2023
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-03-1445-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-03-1445-Hijri.

September 23, 2023

Sawirro

Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 23, 2023
Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.

September 21, 2023
Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.

September 18, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.

September 16, 2023
Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 13, 2023
Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.

September 13, 2023
Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.

September 10, 2023
Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.

September 8, 2023
Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.

September 7, 2023
Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.

September 6, 2023
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.

September 5, 2023
Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.

September 4, 2023
Daawo Mujaahidiinta Oo Howlgal Amniga Lagu Sugayo Ka Sameeyay Qoryooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Howlgal Amniga Lagu Sugayo Ka Sameeyay Qoryooley.

September 4, 2023
Daawo Ceeldheer Oo Dib Looga Qotomiyay Raayada Towxiidka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ceeldheer Oo Dib Looga Qotomiyay Raayada Towxiidka.

August 30, 2023
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.