Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso+Akhriso Abwaan C/llahi Somali Oo Gabay Ka Tiriyay Hadalkii Farmaajo.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso+Akhriso Abwaan C/llahi Somali Oo Gabay Ka Tiriyay Hadalkii Farmaajo.

November 13, 2017

Madaxweynaha dowlada Ridada ninka lagu magacaabo Muxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku dhawaaqay ineysan ka adkaan karin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin taasi oo uu sabab u gadhigay in Shabaabul Mujaahidiin Caqiido ku dagaalamayaan balse maleeshiyaatka dowlada aysan laheen wax Caqiido ah oo ay ku dagaalamaan.

Hadalkaasi kasoo baxay Farmaajo waxaa gabay qayim ah ka tiriyay Abwaanka Soomaaliyeed Wariyaha Caanka ah C/llaahi Yaasiin Jaamac Somali.

 

Halkan Ka Dhageyso Gabayga Caqiido Iyo C/llaahi Somali

 

Halkan Hoose Ka Akhriso Gabayga C/llaahi Somali.

 

Nimanyahow sidaan curanahaan cuufta gurayaaye,

Cirsan yeerku gooruu ciyaan caadka dhuganaaye,
Curdun gabayahaa igu cajalan oon cuf ula aalle,
Balaan curiya oo meeriyoo caynka ka higaadsho.

Cunsurii farmaajoow adaan caafimaad qabine,
Caa’iliyo sidii aad tihiin duul cashiira ahba,
Kufrigaa cirif dheer jira waxaad la coomaarto
Carrigaan aan joogniyo dhulkey culus inoo daaqdo,
Coomaadaha sidiisii adaa caal soo lulaye,
Kuwii ceyr ku sii jiray iyo calalla feereysan,
Yaa cawaaqibkaa lumiyayoo kagu ciyaareene
Camiilow adaa meel cakirin cood ka dayaaye,
Adoo cowski loo jeedaba caarad waran mooda,
Halkaad calaf u soo doontay waa cirid kuleyl weyne,
Hadaad caga gubyoonee sidaad ciidan hogaamin?
Ama caaradkuu wedi ileyn waad cidoodiyi’e?

Su’aalahaa culuumbay sidaan aad cibir weyne,
Hayeeshee ra’yi coonku waa ku cuqdadoobaaye,
ha caburo cantalyaagu waa ehel caloolyow’e.

Ninka ceel ku sii dhacahayee cabashadii yeeri
Ee cirkaa inuu marmahayo ku calwasaadaaye,
Caalle iyo inuu nacas yahuu caaqil garayaaye,
Weligii calmaaniga ayaan caymasho lahayne,
Qoladuu u caynaan hayaa waa cadibantaaye,
candha maran canug aadayaan caano ku arkeyne,
Kuwi shalayto kuu calan luxee ciira kicinaayay,
Iney maanta kaa caajiseen caalamku ogaaye,
ceeryaamada intii roob lahayd cabe xareedeedi.

intaasi cigaalkuu xiroo caynka u adkeeye,
cutub kalena waa marinayaa cowra helow,e,
Fikradaha ciniinkaa dadbaa lagu calaaleeye,
Maskaxdiisu kay cilintahaa lagu cubaayaaye,
Cuduraduu ka qaadee xunuu caac la dhahaaye,
Cashi baana goortaa ka dhalan caabuq iyo hooge,
Calaamadaha gaalnimo adoo caawda kula jiifa,
Dimuquraadinuu culan hayoo nagu caraadaaye,
Muslinimo carrabkaa inaad ciirsi badi haatan,
ood laba codleysaahu waa kuu cawaanimo’e,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

Ninka cudud shisheeye noqdaan kuu cabirayaaye,
Cunna iyo sigaar xil buu caashaq u hayaaye,
Cammar iyo ayaxaba ka daran aan citimiheyne,
Calooshiisu may buuxsantee wayska cunayaaye,
Cizi iyo sharaf uma bukee waa ka cararaaye,
Wixi ceeba oo idili waa camaladiisiye,
Ciqaab iyo cabiid kama baxoo amase ciishoode,
Gaaladow cadaan iyo madow caabudaha hayaaye,
Carmal iyo cajuusiyo middii caawa la aroosay,
Tii calool ku soo qaadayee caana ugu deeqday,
Iyo cadar walaashii ahoo sidi cillaan miida,
Hablihii u caawiyi lahaa caadi ugu geeye,
Cabaadkoodu wow farax iyo iney cataabaane,
Ficilada calaanyada iyo caalir dhalinaaye
Cimrigii go’ waa lagu yaqaan caada qaadaha’e,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?
Cadaabtuu gelaayaa qofkii caasi noqodaaye,
Xuural ceyn cishqigeed ragbuu caawo gubayaaye,
Cibaadada jihaadkey si dhaba ugu cagaagaane,
Aduunkaa cariiri la e iyo culeysweyne,
Janadii caziizkey rabaan inay ka ceeshaane,
Caadilkey ninkii magan galaa cudud sareeyaaye,
Asigaan la caabiyi kareyn oo cartamayaaye,
Sida aar carun iyo wuxuu calalsha doonaaya,
Oo soo ciyaayaa nafluu uga cabsoodaaye
Shareecada midkii ciid dhigaa ama cilleynaaya,
Gumeysiga umuu ceegsanee weyska celiyaaye
Intow qori cabeystuu dagaal ugu carraabaaye,
ninki loo cimaamaday inuu cunaha kaa gooyo,
in codkaadu uu weeciyoo adiga kaa caagi,
cindi gaab hadaad tahay,naflaa waad u curisaaye,
Alshbaab caw caw kama didaan lagu cabeebtaaye,
Ceesaantii shabeel doonataa lagu casheeyaaye,
show belaad cantuugtee adoo cirid dameeraadle,
calyadaad tufeysaa dibbey kuu carqaladeyne,
caaneheeda waad dhami iyaga oo car iyo dhiigle,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

Waxaa Tiriyay Abwaan Wariye Cabdulaahi soomaali.

Continue Reading

Previous: Dhul Gariir Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ku Dhuftay Xadka Iiraan Iyo Ciraaq.
Next: Qarax Ka Dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-09-1444 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-09-1444 Hijri.

March 26, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.

March 26, 2023
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (04).
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (04).

March 26, 2023

Sawirro

Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Daaru-nicma.

March 26, 2023
Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Daawo Xasuuqii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ku Gaaray Birta Dheer.

March 8, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Lagu Xasuuqay Maleeshiyaadkii Laga Keenay Eritrea.

February 27, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ee Maanta Ka Dhacay Baarsanguuni.

February 16, 2023
Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro: Xasuuqii Murtadiinta Loogu Gaystay Weerarkii Sabiid Oo La Baahiyay.

February 15, 2023
Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Sawirrada Dagaalkii Ceelbacad Oo La Baahiyay.

February 12, 2023
Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Qaabkee Magaalada Ceelcadde Looga Dabar jaray Kaneecada?

February 12, 2023
Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro; Ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

February 2, 2023
Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Ghaniimada Dagaalkii Xawaadley Oo La Faafiyay.

January 23, 2023
Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaybtii Labaad Howlgalkii Galcad Oo La faafiyay.

January 21, 2023
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Duullaankii Galcad.

January 20, 2023
Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Sawirrada Dagaalkii Hilowle Gaab Oo La Baahiyay.

January 9, 2023
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Howlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Beerxaano.

January 2, 2023
Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maktabka Diiwaanka Zakada Oo Zako Qaybin Ka Sameeyay Buq’aqable.

December 29, 2022
Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Daawo Gaari Gaashaaman Oo Xabashida Looga Gubay Baay.

December 20, 2022
Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Jamciyada Al-ixsaan Oo Gurmad Raashiin Ah Gaarsiiyay Deegaanada Hoostaga Beledweyne.

December 6, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.