Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen Deegaan hoostaga Degmada Dhoobley ee dhacda Xadbeenaadka u dhaxeeya Gobalka Jubbada Hoose iyo dhulka ay Kenya xooga kaga heysato Somalia.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal toos ah ku qaaday Saldhiga deegaanka Dhija Buula halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Saliibiyiinta Kenya.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Iyadoo ugu dambeyntii Ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay isaga carareen deegaankaasi.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Deegaanka, Waxaa jirto khasaara kala duwan oo Askarta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka Somalia ayaa la kulmo weeraro culus oo kaga yimaada Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab weeraradaasi oo ka kala dhaca gudaha dalalka Somalia iyo Kenya.
Calamada.com