Magaalada Buqaqable ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan waxay ka mid ah magaalooyinka sida wayn looga damaashaaday munaasabadda ciidul-adaxaa. boqollaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaas iyo deegaannada ku xeeran iyo dadyow kale oo ciidda kaga yimid magaalooyin fog fog sida Beledweyne iyo Muqdisho ayaa usoo damaashaad tagay dabaal-degga ciidda.
Fagaaraha degmada waxaa ka dhacay fantasiyeyaal cajiib ah oo ay aad ula riyaaqeen dadkii kasoo qayb galay. sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya sida uu u dhacay fantasiyaha iyo dad badan oo soo xaadiray. waxaa lasoo bandhigay tartamo iyo ciyaaro kala duwan oo waafaqsan shareecada islaamka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.