Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Askari Itoobiyaan Ah Oo 7 Sanadood Kasoo Dagaallamay Soomaaliya Ayaa Ka Sheekeeyay Xaaladda Adag Ee Ka Jirta Wadankiisa WARBIXIN.
  • Allposts
  • Warar

Askari Itoobiyaan Ah Oo 7 Sanadood Kasoo Dagaallamay Soomaaliya Ayaa Ka Sheekeeyay Xaaladda Adag Ee Ka Jirta Wadankiisa WARBIXIN.

April 21, 2017

Khalalaasaha dhiigga badan ku daatay ee kajira wadanka Itoobiya ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay ciidamada taliska Tigreega, ciidamadaas oo xuduudaha gadaashooda ka difaacayay danaha maamulkaasi.

Nidaamka Kajira magaalada Addis Ababa ayaa siyaasadeeyay melleteriga Itoobiya kadib markii uu u adeegsaday in uu ku qamciyay ama ku damiyay dadka kacdoonka dhigaya ee mucaaradsan xukunka wadanka kajira.

Shabakadda ISP-Press ayaa baahisay warbixin ka dardaar warinaysa xaaladda liidata ee kajirta gobolka Amhara oo ay ka socdaan kacdoonnada ugu daran ee Itoobiya kajira.

Warbixinta ayaa sheegaysa in xaalad quus ah ay kajirto magaalooyinka gobolka Amhara kadib markii howlgallada raafka ah oo ay fulinayaan ciidamada ammaanka  ay noqdeen kuwa joogta ah.

Saxafiga warbixinta diyaariyay ee James Jeffrey ayaa ka dardaar wariyay xaaladda kajirta gobolka Amxaarada iyo saameynta uu ku yeeshay xukunka xaaladda degdega ah ee dowladdu soo rogtay bishii October 2016.

Wariyaha ayaa la kulmay mid kamida ciidamada melleteriga Itoobiya kaasi oo muddo 7 sanadood ah kasoo dagaallamay dalka Soomaaliya.

Askariga oo magaciisa kusoo gaabiyay Tafase ayaa sheegay  in dadkiisa ay dilayaan ciidamada dowladda isagoo hadlayay ayuu yiri “Sidee Askari ku noqonaysaa adigoo dilaya shacabkaagii hadaba waxaa tahay Argagaxiso”.

isagoo hadalkiisa sii wata ayuu askarigan muujiyay quus ku aaddan waxa ka socda wadanka Itoobiya wuxuuna xukuumadda ku eedeeyay in dadka mucaaradsan ay dilayso islamarkaana ay xabsiyada ku gurayso.

“Waxaan ahaay Askari shacabkiisa ilaaliya balse xukuumadda ayaa idayacday kadib 7 sanadood oo aan kasoo dagaallamay dalka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Tafase oo quus ka muujinayay xaaladda uu marayo wadanka Itoobiya.

Shabakadda ISP-Press oo warbixinta diyaarisay waxay sheegtay in magaalada Gonder ee qowmiyadda Amxaaradu degto uu saameeyay Bandawga ay dowladda Itoobiya soo rogtay, faqriga ayaa daashaday bulshada halka dhalinyaradu ay ka sheeganayaan shaqa la’aan baahsan waxaana gaabis ah adeegyadii ay qaban jireen xafiisyada dowladda.

James Jeffrey oo ah saxafiga la kulmay askariga Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya kasoo dagaallamay ayaa  sheegay in Tafasa isagoo Baaga muuddo ah oo qabatoomay maandooriyaha khaatka uu dhax wareegaysanayo magaalada Gonder oo ah magaalo ku kacdoontay taliska Addis Ababa.

Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa duullaan ku jooga dalka Soomaaliya, marka lagasoo tago weerarada ay ciidamadaasi kala kulmaan Xarakada Al Shabaab ma helaan mushaaraad ay noloshooda ku maareeyaan taasi oo keentay in boqolaal askari ay xukuumadda ka fallaagoobaan ayna qeyb ka noqdaan jabhadaha hubeysan ee kacdoonka wada.

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Askar Lagu Kala Dilay Degmooyinka Hodan Iyo Yaaqshiid.
Next: Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobalka Al-beydhaa.

Related Stories

Dhagayso Barnaamij Gaar Ah Oo Lagu Falanqeeyay Filimka Al-kataa’ib Ee Buulo-mareer.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Dhagayso Barnaamij Gaar Ah Oo Lagu Falanqeeyay Filimka Al-kataa’ib Ee Buulo-mareer.

June 5, 2023
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-11-1444 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-11-1444 Hijri.

June 5, 2023
Akhriso Xogta Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

June 5, 2023

Sawirro

Sawirro Mujaahidiinta Oo Qarax Ku Dhaawacay Xog-hayaha C/raxmaan Cabdishakuur.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro Mujaahidiinta Oo Qarax Ku Dhaawacay Xog-hayaha C/raxmaan Cabdishakuur.

June 3, 2023
Sawirro: 18 Qof Oo Lagu Dilay Dagaallo Dib Uga Qarxay Khartuum.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: 18 Qof Oo Lagu Dilay Dagaallo Dib Uga Qarxay Khartuum.

June 1, 2023
Daawo Hubkii Iyo Gaadiidkii Ay Mujaahidiintu Ku Qaniimeysteen Weerarkii Masagawaay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hubkii Iyo Gaadiidkii Ay Mujaahidiintu Ku Qaniimeysteen Weerarkii Masagawaay.

May 31, 2023
Daawo Sawirrada Halaaggii Ku Habsaday Maleeshiyaadkii Ku Sugnaa Masagawaay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Halaaggii Ku Habsaday Maleeshiyaadkii Ku Sugnaa Masagawaay.

May 30, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Uganda Ku Qabsaday Buulo-mareer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Uganda Ku Qabsaday Buulo-mareer.

May 26, 2023
Mujaahidiinta Al-qaacidda Oo Diyaarad Drone Ah Ku Weeraray Sarkaal Sare.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Al-qaacidda Oo Diyaarad Drone Ah Ku Weeraray Sarkaal Sare.

May 25, 2023
Daawo Sawirrada Gaadiid Ciidan Oo Maleeshiyada Gaashaan Looga Gubay Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Gaadiid Ciidan Oo Maleeshiyada Gaashaan Looga Gubay Sh/hoose.

May 11, 2023
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Bakool.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Bakool.

May 10, 2023
Daawo Oo Dhagayso: Wilaayada Baay Oo Billowday Olole Lagula Dagaallamayo Kaneecada.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Oo Dhagayso: Wilaayada Baay Oo Billowday Olole Lagula Dagaallamayo Kaneecada.

May 8, 2023
Daawo Oo Dhagayso: Farxadda Ciidda Iyo Caruurta Agoonta Iyo Degmada Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Oo Dhagayso: Farxadda Ciidda Iyo Caruurta Agoonta Iyo Degmada Jilib.

April 23, 2023
Daawo Sawirrada Tiyeeglow Iyo Sida Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Tiyeeglow Iyo Sida Looga Ciiday.

April 22, 2023
Daawo Sawirrada Galhareeri Iyo Sida Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Galhareeri Iyo Sida Looga Ciiday.

April 22, 2023
Sawirro: Sidee Looga Ciiday Magaalada Ceelbuur Ee Wilaayada Galgaduud?.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Sidee Looga Ciiday Magaalada Ceelbuur Ee Wilaayada Galgaduud?.

April 21, 2023
Daawo Jilib Oo Si Wayn Looga Dabaal-degay Munaasibadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Jilib Oo Si Wayn Looga Dabaal-degay Munaasibadda Ciidda.

April 21, 2023
Daawo Buq’aqable Iyo Sida Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Buq’aqable Iyo Sida Looga Ciiday.

April 21, 2023
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalada Kuunyo Barrow Ee WI Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalada Kuunyo Barrow Ee WI Sh/hoose.

April 21, 2023
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.