Skip to content

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Amnesty International “Dadka La Dilay Ma Aheyn Argagaxiso Ee Waxay Ahaayeen Shacab.
  • Allposts
  • Warar

Amnesty International “Dadka La Dilay Ma Aheyn Argagaxiso Ee Waxay Ahaayeen Shacab.

October 2, 2019

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda sheegata iney u dooda Xuquuqda Insaanka ee Amnesty International  ayaa lagu sheegay in howlgallada ciidamada Maraykanka ay ka wadaan Soomaaliya ay waxyeello kasoo gaarto dad shacab ah.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay “ Ciidanka Maraykanka wuxuu si argagax leh u fududeysanayaa dadka Shacabka ah ee ku dhimanaya duqeymaha xaga  cika ah ah ee ka dhacaya Soomaaliya” ayaa lagu sheegay in hay’addu ay diiwaan gelisay duqeymo dhowr ah oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Dhacdada ugu horeysa ee duqeynta ah, kuna dhinteen dad shacab ah, balse Maraykanku ku faanay inuu ku dilay dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Human Rights watch-na ay warbixinteeda kusoo gudbisay waxay dhacday 18-kii Marso ee sanadkan 2019-ka.

Waxay ahayd duqeyn xoogan oo lagu dhuftay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen ganacsato Soomaaliyeed, xilli ay marayeen deegaanka Cadow Dibille oo qiyaastii 5 km ka fog degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Hay’adda ayaa sheegeysa in saddexda nin ee saarnaa gaarigaas ay ahaayeen dad shacab ah, oo xilligaas ka yimid beero ay ku leeyihiin gobolka, kuna sii jeedaan xaafadahooda oo ku kala yaalay Muqdisho, Leego iyo Yaaqbariweyne.

“Duqeyntu waxay burburisay gaariga, waxaa durba ku geeriyooday darawalka oo lagu magacaabo Cabdi-Qaadir Nuur Ibraahim oo 46 jir ah, iyo Ibraahim Maxamed  Xiiray  oo 30 jir ahaa, kana mid ahaa rakakba gaariga” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saaray haya’dda u dooda Xuquuqda Insaanka ee Humaan Rights watch.

Nin ay saaxiibo ahaayeen Cabdi-Qaadir oo booqday goobta ay duqeynta ka dhacday aroornimadii hore, ayay soo xiganeysaa Hay’adda, kaas oo yiri sidatan “ Cabdil-Qaadir jirkiisa si xun ayuu u burbray, balse waan aqoonsaday, wejiga ayuu si daran uga gubtay”.

Qofka sadexaad ee la socday gaarigan duqeynta ay ku dhacday ayaa lagu magacaabaa Mahad Nuur Ibraahim oo 46 jir ah, waxaana soo gaaray dhaawac daran, isagoo jirka oo idil ka gubtay, markii dambena waxaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku geeriyooday 3 todobaad kadib, sida lagu sheegay warbixinta.

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, magaciisana loo soo gaabiyo Africom ayaa war uu xilligas soo saaray wuxuu ku sheegtay in saddexda ruux ee ay duqeynta la beegsadeen ay ahaayeen xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Amnesty International ayaa sheegeysa in bishii Augosto ay Africom la wadaageen xogo ku aadan in saddexda ruux ay ahaayeen dad shacab ah, oo aaney xiriir la lahayn Al-Shabaab, balse Africom ayaa diiday iney ka laaabato sheegashadeeda ahayd in ragaasi ay ahaayeen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.

Hay’addu waxay wareysatay ugu yaraan 11 ruux oo isuga jira qaraabada ragga duqeynta lagu dilay, dad ay saaxiibo dhow ahaayeen, iyo xitaa shirkada isgaarsiinta Hormuud oo mid kamid ah saddexa ruux uu kamid ahaa shaqaalaheeda.

Dhamaan dadkaas waxay sheegeen in saddexda qof ee duqeynta Maraykanka lagu dilay bishii Marso 2019-ka ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan, kana tirsaneyn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Sheegashada Africom, iyo xogaha ay heyso Amnesty International, waxay sare u qaadeysaa su’aalaha la iska weydiinaayo xogaha sirdoon ee Maraykanku u adeegsanayo duqeymaha uu ku beegsanayo dadka uu ku sheegayo iney katirsan yihiin Al-Shabaab, taas oo ka hor imaan karta xeerarka  caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay hay’adda u dooda Xuquuqda Insaanka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in hay’adda Amneysty ay diiwaan gelisay in inkabadan 20 ruux oo shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymaha uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya, kuwaas oo kala ah dhimashada 17 ruux, iyo dhaawaca 8 kale.

“Tan iyo horaantii sanadkii 2017-ka, wixii ka dambeeyay markii uu Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka koonfurta Soomaaliya u aqoonsaday aag dagaal, waxaa si xowli ah u kordhey duqeymaha ay Africom ay u adeegsanayaan diyaaradaha, kuwaas oo gaaray ugu yaraan 131 duqeyn” ayaa lagu yiri warbixinta ay sooo saartay Amnesty International.

Hay’addu waxay Africom ku eedeysay inaaney marnaba ka garaabin dadka shacabka ah ee aku dhimanaya duqeymaha diyaaradeed, islamarkaana aaney jirin wax xiriir ah oo ay la sameyneyso ehellada ay dadkooda duqeymaha Maraykanka ku dhinteen.

“Ehellada dadkooda ay dhinteen waxay is weydiinayaan su’aal ah, muxuu Maraykanka u beegsanayaa dadkooda, waxaa sidoo kale duqeymahan la iska weydiinayaa su’aallo ah sida Africom ay u ilaalin karto xeeararka caalamiga ah” waxaa sidaas yiri Brian Castner oo kamid ah masuuliyiinta hay’adda Amnesty International oo sheegata iney u dooda Xuquuqda Aadanaha.

Warbixintan tii ka horeysay, oo ay Amnesty soo saarto bishii Marso ee sanadkan 2019-ka, waxay ku sheegtay in shan duqeyn oo loo adeegsadya diyaarado drone ah, kana dhacay gobolka Shabeellaha hoose ay ku dhinteen ugu yaraan 14 ruux, kuna dhaawacmeen 8 kale.

Inkastoo khasaaraha Shacabka soomaaliyeed kasoo gaaraya duqeymaha aan loo meel dayin ee Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya  ay ka badanyihiin inta ay sheegeyso hay’adda Amneysty International, hadana waxay ka dhigantahay qeyb yar oo kamid ah dhibaatooyinkaas oo ay qirayaan hay’adaha hoostaga dowladaha reer galbeedka.

Dhawaan, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar aad u abaabulan oo guuleystay waxay ku qaaday garoonka Ballidoogle, halkaas oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin Soomaaliya, ahna halka laga hago duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dronesta.

Waxaa weerarkaas lagu dilay 121 askari oo Maraykan ah, 12 askari oo Yahuud ah iyo 40 ruux oo qandaraasyaal ah, kuwaas oo qaabilsanaa dhismaha iyo dayactirka saldhiga garoonka Ballidoogle.

Bayaan kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku sheegtay in weerarkaas uu jawaab u yahay weerarada duqeymaha ee ay Maraykanku la beegsanayo shacabka aan waxba galabsan ee ku nool wilaayaadka islaamiga.

“ weerarkan wuxuu jawaab u yahay duqeymaha xaga cika ah ee aan loo meel dayin, ee ay ciidamada Maraykanku ku beegsanayaan muslimiinta aan waxba galabsan ee kunool Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale farriin u dirayaa maamulka qar iska xoornimada badan ee uu hogaamiyo Trump, iyo shacabka Maraykanka, taas oo ah in siyaasadda arimaha dibadda ee ku dhinsa colaada ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliya ay cawaaqib xumo kula soo laaban doonto Maraykanka iyo shacabkiisa, ayna guran doonaan wixii ay beertaan”. Ayaa lagu yiri bayaankan oo uu ku saxiixnaa maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Continue Reading

Previous: AFRICOM Oo Riwaayado Is Burinaya Kasoo Saartay Weerarkii Ballidoogle.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-03-1445 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-03-1445 Hijri.

September 25, 2023
Daawo Al-kataa’ib Oo Baahisay Muuqaalka Weerarkii Daaru-nicmca.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Al-kataa’ib Oo Baahisay Muuqaalka Weerarkii Daaru-nicmca.

September 25, 2023
Daawo Nabaddoon Xaaji Roog Oo Bogaadiyay Weerarkii Xabashida Lagu Xasuuqay.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Nabaddoon Xaaji Roog Oo Bogaadiyay Weerarkii Xabashida Lagu Xasuuqay.

September 25, 2023

Sawirro

Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 23, 2023
Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.

September 21, 2023
Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.

September 18, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.

September 16, 2023
Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 13, 2023
Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.

September 13, 2023
Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.

September 10, 2023
Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.

September 8, 2023
Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.

September 7, 2023
Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.

September 6, 2023
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.

September 5, 2023
Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.

September 4, 2023
Daawo Mujaahidiinta Oo Howlgal Amniga Lagu Sugayo Ka Sameeyay Qoryooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Howlgal Amniga Lagu Sugayo Ka Sameeyay Qoryooley.

September 4, 2023
Daawo Ceeldheer Oo Dib Looga Qotomiyay Raayada Towxiidka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ceeldheer Oo Dib Looga Qotomiyay Raayada Towxiidka.

August 30, 2023
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.