Ku dhowaad boqol qof oo shacab ah ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii uu gubtay Tareen ay ku safrayeen koonfurta wadanka Pakistaan.
Wasiirka waddooyinka Tareennada dowladda Pakistaan ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 70 qof ay dhinteen kadib markii uu si lama filaan ah dab uqabsaday Tareen ka amba baxay magaalada Karaaji kunasii jeeday magaalada Rawalpindi.
Sheekh Rashiid Axmed Wasiirka waddooyinka Tareennada xukuumadda Pakistan aya warbaahinta usheegtay in sababta dabka dhalisay ay tahay qarax ay samaysay Aallad wax lagu karsado taas oo ay adeesanayeen dadka rakaabka ah.
Guddiga gurmadka caafimaadka Pakistan ayaa gudaha Tareenka kasoo saaray dhaawacyada boqolaal qof oo xaaladooda caafimaad ay aad uliidato waxaana la saadaalinayaa in dhimashadu sare usii kacdo.
Dadka dhintay badankood waxay katirsan yihiin Culimada Tabliiqa oo ka yimid Karaaji kunasii jeeday Rawalpindi, Gaaska wax lagu karsado oo dadka safarrada dhaadheer gelaya ay tareennada wax kula dhax karsadaan ayaa badanaa sababa musiibooyinkaan oo kale.